Shahaadada Data analyst certification, waa mid kamida waxyaabaha muhiimka u ah xirfada loo yaqaan Data analyst, taasoo ah mid kamida xirfadda ugu fiican kuwa maanta lagu shaqayso. Xirfadda Data analyst kuma qasbanid inaad haysato shahaado jamacadeed, taas bedelkeeda waxad qaadankartaa shahaadooyinka loo yaqaan certified data analyst. Waxa jira laba erey oo badanaa dadku isku qaldaan oo kala
Hadaba aan isla fiirinno Shahaadooyinka loo yaqaan certified data analys, isla markaana imtixaanka aad u geli doono si loo hubiyo xirfadaada. Waxan maqaalkeenna kusoo bandhigaynaa 6da shahaado ee muhiimka u ah mid kamida xirfadda ugu fiican waqtigan in labarto. Qiimaynteena waxan kasoo bilaabi doona xaga sare tusaale ahaan tan 6aad inagoo hoos u degayna ilaa aan ka tagno tan 1aad.
Shahaadan waa mid kamida kuwo ugu fiican ee la barto. Hadii aad aqoon fiican uleedahay ereyadan Database, Relational iyo Non-Relational waxay kugu qaadanaysaa maalmo kooban, hadii kale dhowr wiig. Imtixaankeedu waa kudhowaad saacad.
Shahaadan waxad ku barandoonaa cloud based data services. Shirkado badan ayaana isticmaala aduunka adeegyada Microsoft sida Azure. Inkastoo shahaadan ay tahay mid aad waxbadan ku barandoonto, ahna mid bilow ah, hadana waxan odhankarnaa ma’ahan mid ku siinaysa dhamaan xirfadaha bilowga u ah data analyst, waxana kugula talinaynaa inaad sidoo kale xoga saarto luuqadda SQL iyo Visualization tools-ka sida Tablaue ama Power BI. Sidaas darteed haku ekaan shahaadan waana inaad horey ugasii socoto.
Shahaadan waa mid iyaduna bilow ah, kaagana baahnayn inaad haysato wax aqoon hore ama waayo aragnimo ah kuna saabsan xirfaddan, inkastoo ay Tableau kugula talinayso inaad xoogaa soo isticmaalo softwarekooda tableau markaas kadibna aad shahaadan diyaariso.
Shahaadan ujeedadeedu waxa weeye in la hubiyo xirfadaada aqooneed ee luuqada SQL. Hadii aad aqoon hore ulahayd ama kusoo shaqaysay xirfadahan SQL developers, data analysts, business intelligence specialists, developers, system architects, and database administrators way kuu fududatahay inaad shahaadan qaadato.
Talo ahaantay shahaadan kulama taliyeen qof bilow ah, maadaama ay tahay shahaado dhexdhexaad ah una baahan in aad wax badan ka fahamsantahay field-gan.
Shahaadan waa mid kamida kuwa ugu qiimaha badan, qofka wata shahadanna waxay cadaynaysaa in uu ku takhasusay aqoon fiicanna uleedahay programmka Microsoft Power BI oo ah tool aad ku qabankarto waxkasta oo data analysing ku saabsan. Shahaadan waa mid ku haboon qofka bilowga ah, hadii aad aqoon hore ulahayd Ms Excel waxaad la kulmi doontaa waxyaabo badan oo kuu fududaan doona.
Sida ay ku xuseen websitekooda waa shahaado ku haboon qofka ku haboon field-gan data analytics. Shahaadan kuma hadad qaadato kuma koobna keliya data analyst, waxaa jira boosaskale oo shaqo ay kuu sahlayso inaad buuxiso sida Data Architect, Data scientist, Business analyst, Reporting analyst iyo Operating analyst. Shahaadan waa mid kamida aduunka ugu caansan.
Shahaadan waxan orankarnaa waa mid advanced ah marka loo eego kuwii hore, waxaana jirta dhowr shay oo ay kugula talinayaan ka hor intaadan imtixaanka shahadan gelin, sida inaad haysato dhowr sano oo wayo aragnimo ah. Shahaadan maadama ay advanced level tahay waxa jira 3 qaybood oo kale oo ay ka koobantahay, oo ka horeeya levelkan aynu hada ka hadlayno oo kala ah Foundational, Associate iyo Professional, intaas ka dib ayaad qaadankartaa qaybtan la dhaho Specialty
Maqaalkan waxan kusoo koobnay 6 shahaado oo aanu u arkaynay qofka haysta in ay u fududaynayso inuu helo shaqada Data analytics. Xusuusnow 6da shahaado ee aanu soo xulanay waa figradda-yada bes, waxa macquul ah inay jiraan kuwo kale oo kasii fiican, fadlan marwalba samee baadhitaan kuu khaasa adiga. Waad ku mahadsantahay waqtigaaga walaal.
5A-HUB waa website aad ku barandoonto qaar kamida xirfadaha ugu sareeya casrigan. Sidoo kale ka heli doonto adeegyo kala duwan oo loogu talagalay ganacsiyada kala duwan.
© All Rights Reserved.
2 responses to “6-da shahaado ee ugu macquulsan xirfadda Data analytics”
zaakalaah waa xog muhiim ah ooo na anfacaysa
Guul baan kuu rajayn walaal🙏🏾