Maqaalkan waxaynu kaga jawaabi doonaa sidee crypto looga shaqaystaa ? anagoo kula wadaagi doonna 5 xeeladood oo waxbadan ka tari doona joogitaankaaga suuqa cryptocurrency. Aynu isla eeganno kan ugu horeeya.
Waxaa hubaal ah shay kasta oo aduunka la rabo in guul laga gaaro, inuu ka bilowdo qorshayn dhab ah iyo in lala yimaado, waxyaabihii aasaaska u ahaa shaygaas si loo sameeyo. Xirfad-kasta oo lagu shaqaysto waxa muhiim ah in aad la timaado aqoonteeda, sidaas si lamida cryptocurrency waxa muhiim ah, in aad naftaada ku tarbiyadayso barashada waxyaabaha ka dhiman. Xirfaddan barashadeeda waxad ka helaysaa meel kasta, si bilaash ah iyo qaab aad lacagtaada ku baranayso, muhiimaddu waa in aad la timaado aqoonteeda, oo aad raadiso waxa kaa dhiman waddo kasta haloo maree. Tan labaad waa inaad baadhitaan iyo research samayso, isku day adigoon wax lacag ah suuqan keenin inaad marka hore muddo yar indho-indhayso oo fahamto siduu ushaqeeyo, taasi waxay kuu fududaynaysaa inaad ka bilowdo suuqan wadada saxda ah ee loo maro.
Markaad xirfadii suuqan uu kaaga baahnaa la timaado. Shayga labaad ee muhiimka ah waa inaad is waydiso su’aalahan.
Su’aalahan sare iyo kuwo badan oo kale waxay kuu sahlayaan in aad yool sax ah la timaado, aadna garanayso waxa aad samaynayso iyo waxa aad rajaynayso inaad hesho. Tusaale ahaan coin miraha suuqa ka yaal ay yihiiin 10 tirillion oo qiimihiisu hada joogo 0.00000000123 inaad dhahdo waxan ku sugayaa 1$ adigoon sababta garanayn, waxay tusaale cad u tahay in aadan wali samayn target ama goals dhab ah kuna salaysan xaqiiqada.
Si aad u yarayso khasaaraha kaaga imaan kara suuqan, waxaa mar walba ah in lacagtaada aadan ku shubin hal coin. Taas bedelkeeda aad ukala qaybiso 3-5 coin oo aad ku qanacsantahay.
Tusaale ahaan hadii aad samaynayso maalgashi, oo aad haysato 1000$ waxa muhiim ah in 3-4 coin aad midba qayb geliso, adigoo ahmiyadda siinaya sida ay kuugu kala muhiimsanyihiin.
Tan waxay ka hor tagaysaa in hadii hal coin oo kamida kuwa aad maalgashatay ay ku timaado dhibaato gaara, in aysan saamaayn ku yeelan hantidaada oo dhan, dhibkaasina uu ku koobnaato keliya lacagtii aad coinkaas kelisay bes..
Suuqa cryptocurrency waa mid aad u dhaqdhaqaaq badan (volatile), runtiina ay ka suurowdo in uu sameeyo dhaqaaq aadan ka filayn inuu dhaco. Socodka Bitcoin oo u ah furaha suuqan ayaa ah kan ugu muhiimsan ee loo baahanyahay inaad xogtiisa la soco, tan labaadna waa in aad la socoto ama ka warhayso coins-ka aad maalgelisay xaaladooda. Markaynu leenahay xaaladooda waxaa muhiim ah inaad coinskaas ku jirto channelskooda baraha bulshada khaasatan Discord iyo Telegram, si aad uga war hayso wixii isbedel ah ee ku yimaada coinkaas.
Tusaale ahaan waxa dhacda in coin aad iska haysato ay teamka bedeleen adresskiisa dhan ee loo yaqaan contract adress-ka, tanoo kale waxay muhiim u tahay badbaadinta hantidaada, si aysan u dhicin in coins aan ku joogin wax lacag ah ay wallet-kaaga kugu jiraan.
Suuqa cyrptocurrency waa mid ay badan tahay khataraha ka yimaada, gaar ahaan in coinskaaga ama hantidaada sifudud lagaaga dhaco hadii aysan kuu oolin meel amnigeedu fiicanyahay.
Wallet-yada loo yaqaan Cold Wallet oo ay ka mid tahay Ledger Nano, ayaa ka mid ah meelaha lagu xifdisto hantidaada. Sidoo kale hadaad isticmaalayso Wallet-yada loo yaqaan Hot-wallet sida Metamask iyo Trust-wallet waa in aad hantidaada ku wareejiso hot-walletkale isla markaana aan ku xirneyn wax internet ah.
Wallet-yadaada kale ee ku xiran internetka waa in iyagana aad ilaaliso meelaha aad ku isticmaalayso aadna aad uga fiirsataa.
Wallet-yada ay leeyihiin exchange-yada waa wayn sida binance iyo Gate, wixii hanti kuu taala waa amaan waxaana damaanad ka ah mar walba exchange-ga hantidaada haya. Lakin ha ilaawin hantidaada haddii ay exchange kuu taal, wuxuu awood u leeyahay in lagaa xanibo hadii loo baahdo, hantidaadana uma tihid 100% xor.
Dhamaadka maqaalkeena waxaan kugula talinaynaa in ugu yaraan aad 5tan xeelaadood isticmaasho, hadii aad suuqan ku cusubtahay iyo hadii aad muddo ku jirtayba. Taasi waxay kuu sahlaysaa in ay ugu yaraan soo dhowayso hamigii aad lahayd, waaba hadii uusan 100% noqon. Marka aynu ka hadlayno sidee crypto looga shaqaystaa, waxaa muhiim ah in ugu yaraan 5-ta xeeladood ee kor ku xusnay ugu yaraan aad isticmaasho
Hadii aad ku cusubtahay suuqan ka furo account, mid kamida exchange-yada ugu macquulsan dhinackasta waana Gate, sidoo kale kusoo biir channelkeena telegram-ka, waxaan kaga mahadcelinaynaa waqtigaaga qaaliga ah ee aad gelisay akhrinta maqaalkan, mahadsanid.
5A-HUB waa website aad ku barandoonto qaar kamida xirfadaha ugu sareeya casrigan. Sidoo kale ka heli doonto adeegyo kala duwan oo loogu talagalay ganacsiyada kala duwan.
© All Rights Reserved.
6 responses to “Maxay yihiin 5-ta xeeladood ee aad ku joogi karto suuqa cryptocurrency ?”
mashaa allaah walaalo ustaad fowsi aad iyo aad baad u mahadsantahay wllo waa dhambaal ama maqaal aan inaba caadi aheeyn iyo 5 shan qodob oo aan Kala liidanin haba ugu sii darnaadeen walletska iyo xifdinta hantida oo ah tan ugu fmuhiimsan
Mahadsanid walal Olaad 🙏🏾 Allaah haku sharfo.
Allaha ku barakeeyo wll waxa aan ka faa’iiday waa 2 qodob, runtii waa talo ku dhisan aqoon.
Mahadsanid kun jeer
Aamiin walaal Abdisalaan mahadsanid dhamaanteenba 🙏🏾.
M.a ustaad alle Haku kordhiyo cilmigaaga iyo cimrigaaga oo cibaado leh.runti sidaa inooku heelin thy soo kodbinta xogaha muhiimka ah waan kanga mahadcelineenaa ustaad markale neh mahadsanid
Adaa mudan walaalkay Abshir, mahadi korkaaga ha ahaato 🙏🏾.