Ku soo dhawoow technology-ga casriga ah ee Blockchain iyo cryptocurrency! Haddii aad halkan ku cusub tahay, waxaa laga yaabaa inaad maqashay ereyo ay ka mid yihiin “Staking” iyo “Mining” oo dhegahaaga ku batay, hadaba waa maxay staking iyo mining? maxayse kukala duwanyihiin ? maxaase loola jeedaa ?, kee baa faa’iido badan kuu samaynkara? Aynu u kala qaadno fikradahan ereyo fudud oo aan kaa caawinno inaad fahamto aasaaska iyo siday ukala duwanyihiin.
Aasaaska shaqo ee cryptocurrency waa laba teknooloji oo waaweyn: Proof of Stake (PoS) iyo Proof of Work (PoW).
PoW waxay si weyn ugu tiirsan tahay awoodda xisaabinta, taasoo la micno ah inaad u baahan tahay qalab gaar ah oo badanaa qaali ah si aad u hesho jawaabta xisaabtaas isla markaana ugu guulaysato abaalmarin faa’iido leh. Coinska network-yada noocaan ah isticmaala waxa kamida Bitcoin (BTC) iyo Kadena (KDA)
PoS waxay sidoo kale kuxirantahay lahaanshaha iyo kaydinta coinska network-gaas lafteeda, taasoo ka dhigaysa inaad tahay qof networka wax ku leh, taasoo ka dhigaysa inaan loo baahneen qalab qaali ah iyo electricity aad u badan. Coinska network-yada noocaan ah isticmaala waxa ka mida ETH, Solana, AVAX iyo qaar kaloo badan.
Faa’iidada Mining-ka ama Staking-ka waxay ku xiran tahay arrimo badan oo kala duwan oo ay ku jiraan maalgelinta bilowga ah, kharashyada socodsiinta shaqada sida korontada ee mining-ka, iyo qiimaha coinkaas uu marayo. Guud ahaan, Mining-ku waxay u baahan tahay maalgelin horudhac ah oo xagga qalabka ah iyo kharashyada korontada ee maalinlaha ah, taasoo ka dhigaysa mid aan qofka ku cusub shaqan, dhaqaale ku filanna haysta mid ku adag inuu ka qaybqaato. Staking, iyadu sidoo kale waxay u baahantahay maalgelin inaad soo iibsato coins-ka network-gaas aad rabto inaad ka shaqayso, inta badan malahan caqabadaha gelitaanka hore iyo ku dhiirashada, maadaama aysan kaa rabin qarashaad si joogto ah aad u bixinayso oo dhinaca electricity-ga ah. Waxaa sidoo kale macquul ah in coinskaaga aad network-ga ku xirto lakin ay heli waayaan chance ay kusoo saaraan block cusub hadii ay network-ga ku jiraan, dad haysta tirada kabadan coinska adigu aad haysato, waxana loo kala shaqaysanayaa sida loo kala xoolo badan yahay.
Ugu danbeen keebaa faaiido badan, waxan orankartaa waxay ku xirantahay jawaabta su’aashani, network-ga aad rabto inaad ka shaqayso iyo dhaqaalaha aad markaas awoodid.
Mining-ku, gaar ahaan PoW, waxa la isticmaalaa tamar koronto oo saaid ah, waxayna kicisay walaac ku saabsan saamaynta deegaanka, waxaana aad uga qayliyay wadamo badan oo caalamka ah. Staking waxaa loo arkaa mid aan waxba u dhimayn deegaanka maadaama aysan rabin tamar koronto oo saaid ah.
Doorashadaadu waa inaad ku salaysaa technology-ga aad xiisaynayso, xaaladdaada dhaqaale, iyo heerka maaraynta khasaarahaga (Risk management).
Maqaalkani waxa uu ujeedadiisu tahay in uu kuu iftimiiyo labadan erey PoW iyo PoS, si aad waxbadan oo xog ah uga ogaato, isla markaana aad u gaadho go’aan wax ku ool ah. Ogow suuqa kiribto waa mid si xawli ah u dhaqdhaqaaqa, markasta la soco xaalada suuqa iskuna day inaad barato xirfadaha kaa dhiman.
5A-HUB waa website aad ku barandoonto qaar kamida xirfadaha ugu sareeya casrigan. Sidoo kale ka heli doonto adeegyo kala duwan oo loogu talagalay ganacsiyada kala duwan.
© All Rights Reserved.
2 responses to “Crypto Staking ama Mining, Keebaa Faa’iido Badan, Maxayse Kukala Duwanyihiin ?”
Aad baad u mahadsantahy ustaad wax badana waan ka faaiday.
Adaa mudan walaalkay, Guulayso