Qofka Data scientist-ga ah ma noqonkaraa AI Engineer ?

Table of Contents

Hordhac

waa maxay data scientist

Marka aynu eegno xawliga uu kusocdo teknolojigan casrigan qaasatan Data science iyo Artificial Intelligence (AI), xuduudaha u dhaxeeya xirfadaha qaarkood ayaa ah kuwo mad madow leh toosna loo kala saarikarin, taas oo keenta in qaar badan ay la yaabaan is-beddelka iyo waddooyinka gaarka ah ee xirfadahan. Su’aasha inta badan soo baxda ayaa ah, “Data scientist ma noqon karaa AI injineer?” Maqaalkani waxa uu ujeedadiisu tahay in aynu isla eegno hayaanka waxbarasho ee udhaxeeya labadan field, laga soo bilaabo Data scientista ilaa injineernimada AI, iyo si aynu u baranno waxa ay kala yihiin.

Maxay kala yihiin Data science iyo AI Engineer ?

Data Scientist: Wuxuu falanqeeyaa ama la tacaamulla xaddi aad u badan oo Data ah, isagoo kasoo saara figrado muhiim ah oo aan horey loo aqoon, kuna saabsan waxyaabo badan oo dhacay, halka uu sidoo kale uu saadaaliyo waxyaabo badan oo imaankara isagoo isticmaalaya Machine learning, waxa uu siduu kole door muhiim ah ka qaataa go’aanna waawayn ee soo baxaya haday tahay dhanka dowladaha ama shirkadaha privateka ah. Shaqadiisu waa inuu sameeyo falanqayn dhanka xisaabta statisticska ah, inuu xogta usoo bandhigo hab muuqaal ah oo lafahmikaro (data visualization) iyo sidoo kale inuu xogta (Data) kasoo dhexsaaro figrado waawayn oo qarsoonaa.

AI Engineer: Dhanka kale, wuxuu diiradda saaraa horumarinta algorithms iyo models awood u siinaya mashiinnada inay qabtaan hawlo aan lahayn tilmaamo cad ama dariiqooyin loo maro. AI engineer wuxuu si aad ah ugu tiirsan yahay nidaamyada kala ah machine learning, deep learning, iyo neural networks.

Kala duwanaanshaha hayaanka waxbarasho

  1. Aasaaska Xisaabta iyo Statistics : Data scientist iyo AI Enineering labaduba waxay u baahan yihiin aasaas adag oo ah xagga xisaabta iyo statistics-ka ah. Fahamka xisaabaha kala ah probability, linear algebra, iyo calculus ayaa ah xisaabo aad muhiim ugu ah labada xirfadood.
  2. Xirfadda Programming-ka:

    Luuqadaha Python ama R waa qasab in aad ugu yaraan mid aad sifiican u taqaano, qofka labadaba yaqaan kaba sii fiican. Luqadahani waxay bixiyaan libraries iyo frameworks, si gaar ah loogu talagalay Data science iyo AI, sida Pandas oo loogu talagalay ku-habaynta xogta ee luuqadda Python, iyo TensorFlow ama PyTorch ee AI iyo mashaariicda machine learning.

  3. Takhasuska Waxbarasho iyo Tababarada:

    For Data Scientists: Diirada saar data analysing, fahamka aasaaska machine learning, iyo nidaamka muuqaal ahaaneed ee xogta loosoo bandhigo (data visualization). Tools-ka aad isticmaali karto waxa kamida microsoft excel, python programming, microsoft power BI sidoo kale toolska loogu talagalay in lagusoo bandhigo xogta waxad isticmaali kartaa python (qaasan pandas), Tableau iyo Microsoft Power BI.

    For AI Engineers: Markan waxa laga rabaa inaad diiradda saarto oo faham dheer u yeelato nidaamyada machine learning, neural networks, computer vision, iyo natural language processing (NLP).  Qaybta waxa fure u ah inaad fahamto qaabdhismeedka iyo algorithms-yada u sahlaya computers-ka in ay waxbaran karaan sidoo kalena go’aamo gaadhikaraan

  4. Samaynta Portfolio kuu gaara: Ku dabaq markasta aqoontaada mashruucyo (projects), ha ahaadeen kuwo adigu aad samaysato ama kuwa shaqaale ka tahay. Data scientist in uu noqdo AI Engineer, waxay la macno tahay in diirada la saaro mashaariicda la xiriira machine learning iyo nidaamyada kale ee technolojiga uu isticmaalo AI. Dhisidda portfolio mashaariicahan ah, ayaa muhiim u ah inaad hesho shaqo degdeg ah ama ay kuu furto fursado kale oo aad ku horumarinayso aqoontaada xirfadeed.
  5. Joogtaynta waxbarashada: Teknolojiyada kala duwan ee dhinaca Data science iyo AI, ayaa ah kuwo aad u kobcaya kuna soconaya xawli. Waa muhiim inaad mar walba la socota isbedellada toolska ay isticmaalaan xirfadahan.

Sidee u barankartaa ?

Habka Fudud: Waxaad qaadan kartaa koorsooyinka online-ka ah kuwaas oo badanaa xooga saara dhinaca practicalka. Website-yada Coursera, Udacity iyo Udemy waxay bixiyaan koorsooyin tayo sare leh, isla markaana waxa dhigaya koorsooyinka shirkada ugu waawayn field-gan caalamka ee muxtarimka ah sida Microsoft, Google iyo IBM.

Heerka Jaamacadeed: Shahaadada koowaad ee jaamacadda ee computer science, mathematics, iyo field-yada la xiriira ayaa ah mid ku siinaya aasaas fiican inaad kusoo biirto suuqyada Data science iyo AI. Hadii aad kusii darsankarto Master ama Ph.D. dhinaca data science ama AI ayaa ah iyaduna mid kuu furaysa albaabo badan oo kaa xirnaa iyo inaad hesho fursado aad ku samayso cilmi baadhis tayo leh.

Suuqa shaqada iyo mushaharka

waa maxay data science, waa maxay AI
DALL·E generated AI

Data scientist ahaan mushaharkiisu waa mid fiican marka loo eego field-yada kale, sidoo kale in aad ka wareegto Data science oo u wareegto AI waxay furi kartaa doorar kala duwan, oo ay ku jiraan Machine Learning Engineer, AI Research Scientist, and Robotics Engineer. Sida laga soo xigtay Glassdoor, AI engineers-ku waxay filan karaan mushahar sare oo fiican iyadoo ay ugu wacan tahay xirfada gaarka ah ee ay yaqaanaan iyo baahiyaha warshadahuhu u qabaan.

Dhamaad

Safarka ka gudbista data science ee dhinaca AI waxaa aasaas u ah waxbarasho joogto ah iyo adeegsiga xirfadaha ugu danbeeyay markaas. Waa waddo u baahan dadaal, xiiso, iyo inaad lahaato han sare oo ah in aad soo bandhigto awoodaha qarsoon ee computers-ku leeyihiin.

Xasuusnoow, furaha guusha xilliga waxbarashadu kaliya ma ahan in la helo aqoon, laakiin in lagu dabaqo mashaariicda, wax-barashada joogtada ah, iyo la qabsiga tignoolajiyada cusub. Haddii aad dooratid wadada gaaban ee koorsooyinka onlineka ah iyo bootcamps-ka ama wadada dheer ee waxbarashada jaamacadda, fursadaha AI waa kuwo ballaaran oo sii kordhaya. Bilow safarkaaga maanta oo noqo safka hore ee hal-abuurka tignoolajiyada berrito.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

5A-Hub logo

5A-HUB waa website aad ku barandoonto qaar kamida xirfadaha ugu sareeya casrigan. Sidoo kale ka heli doonto adeegyo kala duwan oo loogu talagalay ganacsiyada kala duwan.

© All Rights Reserved.