Crypto Staking ama Mining, Keebaa Faa'iido Badan, Maxayse Kukala Duwanyihiin ?

Table of Contents

Hordhac

waamaxay kiribto, staking
DALL·E generated image

Ku soo dhawoow technology-ga casriga ah ee Blockchain iyo cryptocurrency! Haddii aad halkan ku cusub tahay, waxaa laga yaabaa inaad maqashay ereyo ay ka mid yihiin “Staking” iyo “Mining” oo dhegahaaga ku batay, hadaba waa maxay staking iyo mining? maxayse kukala duwanyihiin ? maxaase loola jeedaa ?, kee baa faa’iido badan kuu samaynkara? Aynu u kala qaadno fikradahan ereyo fudud oo aan kaa caawinno inaad fahamto aasaaska iyo siday ukala duwanyihiin.

Sharaxaad kooban PoS iyo PoW iyo Farqigooda

Aasaaska shaqo ee cryptocurrency waa laba teknooloji oo waaweyn: Proof of Stake (PoS) iyo Proof of Work (PoW).

  1. Proof of Work (PoW): waa sida halxiraale adag oo kale. Dadka Miner-ska loo yaqaan ayaa u tartamaya sidii ay u xalin lahaayeen xujooyin ama xisaabo adag iyaga oo isticmaalaya kombiyuutaro awood leh. Midka ugu horreeya ee xaliya halxiraalaha ama xisaabtaas wuxuu fursad u helayaa inuu Block cusub ku daro Network-gaas (Blockchain-kaas) waxaana lagu abaalmariyaa coinka isla networkaga uu isticmaalayo. Tusaale hadaad Bitcoin network ka dhex shaqaysanayso oo aad samaynayso mining, hadii aad xisaabta hal xiraalaha xaliso waxad fursad u helaysaa inaad block cusub ku darto Bitcoin network sidaasna aad ku hesho tiro coins ah oo ah Bitcoin. Waana sababta keentay in dadkan ay isticmaalaan xaddi koronto oo saaid ah maadama computerada ay haystaan ay ku jiraan tartan ah in qofkas isagu rabo inuu hor xaliyo xisaabta ama halxiraalaha.
  2. Proof of Stake (PoS):  dhanka kale, waa ku duwantahay tan sare, si aad block uhesho waa in aad haysataa tiro cayiman oo ah coins-ka network-ga aad ka shaqaynayso. Qaybtan waxad tirada coinska aad haysato ku daraysaa network-ga si ay usoo saaraan block cusub, qaybtan qofba qofka uu ka coins badan yahay ee ku xira coinskiisa networka waxay sare u qaadaysaa fursadahaaga laguu dooranayo si aad u soo saarto block cusub oo aad ku darto network-gaas. Haddii network-ga aysan ka jirin tartan dhinaca haysashada tirada coinska waxa macquul ah inaad fursadda hesho, isla markaana marka aad coinskaagu ay sameeyaan block cusub, sidaana aad ku hesho abaalmarin coins ah oo isla network-gaas ah. Tusaale ahaan ETH network hadii aad rabto inaad ka dhex shaqayso waxaad u baahantahaya 32 ETH ah inaad network-ga ku xirto + shuruudihii kale ee awoodda computerka iyo in computerkaagu uusan marnaba kaa damin. Xataa hadii aad shuruudahan oo dhan la timaado waxa macquul ah in aadan wax reward ah heli oo booska u kaa riixdo mid haysta 100 ETH. Coinskaga aad ku xirtay network-ga waa kuwo kuu madax banaan waqtiga aad doontana aad la bixi karto.
    Xusuusin Staking-ka Exchanges-ku kaa qaadayaan coinskaaga la mid ma ahan kan aan meeshan kaga hadlayno, waxayna ku sheegayaan marka hore percentage go’an oo ah waxa aad heli doonto, taasoo ka dhigan ribo.
Waa maxay crypto, waa maxay staking
https://www.quicknode.com/guides/infrastructure/node-setup/ethereum-full-node-vs-archive-node

Farsamada ay ku shaqeeyaan PoW iyo PoS

PoW waxay si weyn ugu tiirsan tahay awoodda xisaabinta, taasoo la micno ah inaad u baahan tahay qalab gaar ah oo badanaa qaali ah si aad u hesho jawaabta xisaabtaas isla markaana ugu guulaysato abaalmarin faa’iido leh. Coinska network-yada noocaan ah isticmaala waxa kamida Bitcoin (BTC) iyo Kadena (KDA)
PoS waxay sidoo kale kuxirantahay lahaanshaha iyo kaydinta coinska network-gaas lafteeda, taasoo ka dhigaysa inaad tahay qof networka wax ku leh, taasoo ka dhigaysa inaan loo baahneen qalab qaali ah iyo electricity aad u badan. Coinska network-yada noocaan ah isticmaala waxa ka mida ETH, Solana, AVAX iyo qaar kaloo badan.

Keebaa Faa'iido badan?

waamaxay kiribto, staking
DALL·E generated image

Faa’iidada Mining-ka ama Staking-ka waxay ku xiran tahay arrimo badan oo kala duwan oo ay ku jiraan maalgelinta bilowga ah, kharashyada socodsiinta shaqada sida korontada ee mining-ka, iyo qiimaha coinkaas uu marayo. Guud ahaan, Mining-ku waxay u baahan tahay maalgelin horudhac ah oo xagga qalabka ah iyo kharashyada korontada ee maalinlaha ah, taasoo ka dhigaysa mid aan qofka ku cusub shaqan, dhaqaale ku filanna haysta mid ku adag inuu ka qaybqaato. Staking, iyadu sidoo kale waxay u baahantahay maalgelin inaad soo iibsato coins-ka network-gaas aad rabto inaad ka shaqayso, inta badan malahan caqabadaha gelitaanka hore iyo ku dhiirashada, maadaama aysan kaa rabin qarashaad si joogto ah aad u bixinayso oo dhinaca electricity-ga ah. Waxaa sidoo kale macquul ah in coinskaaga aad network-ga ku xirto lakin ay heli waayaan chance ay kusoo saaraan block cusub hadii ay network-ga ku jiraan, dad haysta tirada kabadan coinska adigu aad haysato, waxana loo kala shaqaysanayaa sida loo kala xoolo badan yahay.

Ugu danbeen keebaa faaiido badan, waxan orankartaa waxay ku xirantahay jawaabta su’aashani, network-ga aad rabto inaad ka shaqayso iyo dhaqaalaha aad markaas awoodid.

Saamaynta Deegaanka

Mining-ku, gaar ahaan PoW, waxa la isticmaalaa tamar koronto oo saaid ah, waxayna kicisay walaac ku saabsan saamaynta deegaanka, waxaana aad uga qayliyay wadamo badan oo caalamka ah. Staking waxaa loo arkaa mid aan waxba u dhimayn deegaanka maadaama aysan rabin tamar koronto oo saaid ah.

Dhamaad


Doorashadaadu waa inaad ku salaysaa technology-ga aad xiisaynayso, xaaladdaada dhaqaale, iyo heerka maaraynta khasaarahaga (Risk management).

Maqaalkani waxa uu ujeedadiisu tahay in uu kuu iftimiiyo labadan erey PoW iyo PoS, si aad waxbadan oo xog ah uga ogaato, isla markaana aad u gaadho go’aan wax ku ool ah. Ogow suuqa kiribto waa mid si xawli ah u dhaqdhaqaaqa, markasta la soco xaalada suuqa iskuna day inaad barato xirfadaha kaa dhiman.

2 responses to “Crypto Staking ama Mining, Keebaa Faa’iido Badan, Maxayse Kukala Duwanyihiin ?”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

5A-Hub logo

5A-HUB waa website aad ku barandoonto qaar kamida xirfadaha ugu sareeya casrigan. Sidoo kale ka heli doonto adeegyo kala duwan oo loogu talagalay ganacsiyada kala duwan.

© All Rights Reserved.