Waa maxay maalgelinta crypto ? 4 qaab oo lacag looga sameeyo suuqa crypto

Table of Contents

Hordhac

maalgelinta cypto
Image from canva

Maalgelinta crypto iyo guud ahaan suuqan waxaa jira qaabab kala duwan oo looga shaqaysto. Qaababkaas waxay ukala baxaan 4 qaab oo aanu ukala saarnay, si ay  ugu fududaato qofka bilowga ah in uu fahmo meesha laga bilaabo iyo qaabka isaga markaas ku haboon. 

1. Investing

Qaabkan waxaa la orankaraa waa iridda ama albaabka kiribto lagasoo galo. Qaybta ujeedada ugu wayn ee ay qabataan waa in aad lacagtaada la timaado, account furato sida gate oo kale, kadib coinanka aad rabto iibsato, markaasna aad ku haysato walletkaaga. Qaybtan uma baahnin inaad computerka dul fadhido maalinkasta, keliya waa inaad coinan aad hubto oo iska baadhay aad iibsato, kadibna danahaaga ka raacato adigoo rajaynaya in ay kuu gaadhaan qiima ka sareya kii aad ku iibsan muddo cayiman. Qaybtan waxa jira talooyin aan ku siinayno markaad bilowdo.

  • Educate Yourself: Markasta raadi aqoonta kaa dhiman, tani waxay kuu sahlaysaa inaad waxbadan ka ogaato suuqan.
  • Choose a Platform: Dooro exchange fiican, suuqyada exchanges-ka kiribto waa badan yihiin dooro mid fiican sida gate.io oo kale 
  • Start Small: Ku bilow waxyar oo aad ka maaranto, isla markaana aadan ubaahneen isla waqtigan ama waqti dhow.
  • Diversify: Kala qaybi xoolahagaa, hana gelinin hal coin dhamaanteed.
  • Hold Long-Term: Isku day inaad haynkarto muddo dheer, adigoo mar walba qiimaynaya ujeedkaada koowaad ama target-kaagu wuxuu yahay.

Talooyinkaas kore kadib, waxa muhiim ah in aad naftaada is waydiiso hada halkeen joogaa, ma bilaabi karaa kiribto, waana muhiim in aad is waydiiso su’aalo kooban, qaasatan aad ka jawaabi karto su’aalahan soosocda.

  • Ma taqaan coinmarketcap iyo coingecko maxayse qabtaan ?
  • Waa maxay coin iyo token?
  • Sidee coin loo maalgashadaa ?
  • Maxan ka fiirinayaa coinka, kahor inta aanan maalgashan ?
  • Waa maxay usecase ?
  • Waa maxay circulating supply?  Waa maxay total supply ? Waa maxay marketcap ?

Ugu yaraan waa in aad ka jawaabi kartaa su’aalahan aan kor kusoo sheegnay adigoo naftaada marka hore waxbaraya, hadii aad markaas ka jawaabi karto su’aalahan ka furo account mid kamida exchange-yada ugu fiican kiribto (Ka furo account gate.io exchange)

2. Trading

Qaybtan waa qayb labaad oo kale, runtiina aad muhiim u ah, lacag fiicanna lagaga sameeyo hadii aad sida ugu macquulsan suuqan usoo gasho, lana timaado xeelad haboon. Dadka sameeya trading-ka mahayaan coinska waxqi dheer, waxooda waa kala bax, coinka qiima hoose ku iibsadaan, kadibna daqiiqado, saacado ama maalmo kadib waa iska iibiyaan marka uu qiimaha coinkaas kor ukaco iyagoo raacayaa xeelado ugaara. Qofka samaynaya trading-ka waxa muhiim ah ugu yaraan in uu la yimaado shuruudahan hoose

  • Learn Technical Analysis: Inaad taqaanid waxa la dhaho technical analays, iyo sida chart-ka loo akhriyo, tani waxay kuu sahlaysaa inaad ogaato meesha aad coinka ka iibsan lahayd, iyo meesha aad iskaga iibin lahayd.
  • Understand Market Trends: In aad fahmikartid meesha suuqu usocdo iyo xaaladda guud ee cryptocurrency si guud, aadna qiimaynkarto trade-ka aad qaadanayso ma haboon yahay hada in la qaato mise waa inaan sugaa.
  • Set Stop Losses: Isticmaal Stop-loss (Xiridda khasaaraha kusoo gaadhikara) hadii ay macquul tahay, ama ay ku haboon tahay trade-ka aad qaadanaysid.
  • Start Small and Stay Informed: Ku bilow wax yar oo macquul ah, hadii aadan hubin wali xirfaddaada tecnical analysingka iyo aqoontaada dhinaca trading-ka.

Qaybtan waa mid kamida xeeladaha maalgelinta crypto qaasatan qofka doonaya inu uusan sugin coins-ka waqti dheer, taas bedelkeeda waxaa dhicikarta in aad lacagtaada si fudud ku lumiso hadii aadan la imaan xeelad sax ah sidoo kalena aadan maamulin emotion-kaaga.

3. Private or Seed Sale Investing

Maalgelinta crypto waa mid ku timaado waji kala duwan, qaybtanina waxay kaga duwan tahay labada qaybood ee kor kusoo sheegnay, in aad coinka soo iibsanayso kahor intaan suuqa la keenin. Qaybta waa mid kamida qaybaha ugu faa’iidada badan hadii aad wadada saxda ah marto, lana timaado shuruuda looga baahanyahay in laga fiiriyo marka aad project-ga qiimaynayso. Qaybtan hadii aad si taxadar leh isaga hubin waydo project-ga aad maalgashanayso, waxa macquul ah in si fudud lacagtaada lagaaga dhaco, halkaasna ay kaasoo gaadho qasaaro wayn. Qaybtan marka aad ka qaybqaadanayso waa in ugu yaraan su’aalahan  ka jawaabi kartid.

  • Halkee project-yada cusub laga eegaa, ka hor intaysan suuqa imaan ?
  • Waa maxay Whitepaper ? 
  • Waa maxay Tokenomic ?
  • Sidee coinka la isaga baaraa usecase-kiisa, xageese laga eegaa? su’ashan waa muhiim waxad ku ogaanaysa in coinkaas ama mashruucaas aad maalgashanayso ay soo geli karto wax xaaraan ah.
  • Maxay yihiin waxyabaha aad ka eegayso in coinku xaaraan yahay iyo inkale ?
  • Waa maxay vesting ?
  • Waa maxay TGE (Token Generation Event) ?

4. Ka qaybqaadashada Testnet/Devnet

Qabtan waxay kaga duwantahay 3-da qaybood ee kor kusoo sheegnay, in aysan kaa rabin gebi ahaanba in aad suuqan keento 1$ oo lacag ah, taas bedelkeedana adigoo lacagtaada haysta aad uga shaqaynsakarto qaab kale. Hadaba waa maxay Testnet ama Devnet ? Hadafka ugu wayn ee qaybtan waa in qofku ka qaybqaato coinska wata mashaariic waawayn, ee sidoo kale doonaya in community-gu uu tijaabiyo mashruucooda ka hor inta aysan suuqa keenin. Tusaale ahaan coinska wata Blockchain iyaga u gaara, waxaa inta badan dhacda in blockchainka inta uusan toos shaqada u bilaabin, ay communityga ku xiran ay soo tijaabiyaan, hadii markaas ay ka helaan waxyaabo cilado ahna ay war geliyeen dadka teamka iska leh. Dadkaas tijaabinaya mashruuca ka hor inta uusan suuqa imaan, ayaa hadhow waxaa dib laga siin doonaa coinka mashruucaasi wato marka uu suuqa yimaado si bilaash ah, maadaama ay waqti geliyeen tijaabinta mashruucaas.

Aynu isla eegno dhowr su’aalood oo muhiim ah, ayna macquul tahay inaad iswaydiinayso hada.

  • Sidee looga qaybqaataa ?
    • Waxaa muhiim ah in aad garanayso sida, mashruuca loo baadho, meelaha laga baadho, iyo sida loo akhriyo waxyaabaha ku xiran in laga qaybqaato mashruucaas. waayo mashruuc kasta waa ka duwanyahay kan kale qaabka looga qaybqaadanayo.
  • Xirfad ama maxaa layga baahanyahay, si aan uga qaybqaato ? Mashaariicaha qaarkood waxaa muhiim ah in qofku garanayo Linux Os iyo sida loo isticmaalo ama ugu yaraan basic programming wax ka yaqaan, lakin inta badan kaama rabaan wax programming ama Linux Os la xiriira, waxaana lagu siin doonaa tilmaamo diyaarsan oo ah sida aad shaqada u qabanayso. Sidoo kale qaybtan waa muhiim inaad taqaan kiribtada dhinaca decentralizedka sida Dex, hot-wallets iyo Network-yada iyo sida loo isticmaalo.

Dhamaad

Maalgelinta crypto waa mid ku tijaamada wajiyo kala duwan, waji kastana uu kaaga baahanyahay xirfado iyo inaad u fekerto qaab isaga khuseeya. Labada qayb ee hore waa 2da qaybood ee sida caadiga ah looga shaqaysto, halka labada danbe ay yihiin advanced levels ayna kaa rabaan in aad suuqan uleedahay aqoon fiican. Waxaa jira casharo badan oo laga sameeya labada qayb ee hore, waxaadna ka helikartaa telegram-yada somalida iyo youtubeka si bilaash ah iyo si lacag ah intaba. Dooro qaabka adiga kugu haboon markasta. Labada qayb ee danbe wali lagama sameen casharo intaan hada ognahay, lakin 5A-HUB waxay isku dayaysaa in 4ta qaybba aanu kasoo samaynayo casharo taxane ah. Sidoo kale ku soo biir Youtube-keena iyo telegram-keena sababtoo ah waxaanu soo gelinnaa muuqaalo aad muhiim ugu ah suuqan iyo joogitaankiisa, aadna ka baran doonto xirfado badan oo aan ku koobnayn crypto keliya sida Data science iyo AI, iyo Digital marketing. Wixii talo iyo tusaalayn ah nagula wadaag qaybta hoose ee faalada, Mahadsanid 🙏🏾.

6 responses to “Waa maxay maalgelinta crypto ? 4 qaab oo lacag looga sameeyo suuqa crypto”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

5A-Hub logo

5A-HUB waa website aad ku barandoonto qaar kamida xirfadaha ugu sareeya casrigan. Sidoo kale ka heli doonto adeegyo kala duwan oo loogu talagalay ganacsiyada kala duwan.

© All Rights Reserved.